Slot Oo Xaqiijiyay Xiddig Dhaawac Uga Maqnaan Doona Kooxdiisa.

Arne Slot ayaa shaaca ka qaaday heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca Curtis Jones ka hor kulanka Liverpool ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Ipswich Town.

Reds ayaa marti galin doonta kooxda Ipswich Town waxana la filayaa in ay sii dheeraystaan ​​hogaanka horyaalka marka ay la ciyaaraan kooxda ugu hoosaysa premier League.

Sida ay hadda tahay Liverpool ayaa lix dhibcood ku hogaaminaysa Arsenal iyo Nottingham Forest iyada oo uu sidoo kale baaqi u yahay hal kulanka.

Diogo Jota iyo Joe Gomez ayaa seegi doona kulanka Anfield iyaga oo wali ka soo kabsanaya dhaawaca laakiin Slot ayaa sidoo kale xaqiijiyay in uu xiddig kale dhaawac ku maqan yahay.

“Wuxuu baxay waqtigii nasashada, marka taasi inta badan ma ahan calaamad wanaagsan, mana ahayn sababtoo ah diyaar uma noqon doono kulanka Ipswich”ayuu yidhi Slot.

“Inta soo hartay waa inaan sugnaa oo aragnaa inta ay qaadan doonto”ayuu yidhi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga