Kooxda Man United ayaa dalab Rasmi ah oo cusub ka gudbisay saxiixa xiddiga kooxda Lecce ee Patrick Dorgu sida ay sheegayaan wararku.
Kooxda Man United ayaa wadahadalo kula jitrtay kooxda Lecce maalmihii ugu dambeeyay iyaga oo doonaya saxiixa xiddiga daafaca Bidix ee Patrick Dorgu.
Kooxda Lecce ayaa soo diiday dalab ay Man United ku doonaysay saxiixa xiddiga iyada oo Loo sheegay Red Devils in aanay ku qancin dalabkaas.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Man United haatan dalab cusub ka gudbisay saxiixa xiddiga Patrick Dorgu.
Man United ayaa dalab 30 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Patrick Dorgu si ay u hesho saxiixa xiddiga reer Denmark.
Dalabka cusub ee Man United ayaa haatan ka badan 30 milyan oo euro iyada oo doonaysa in ay dhamaystirto heshiiska xiddiga maalmaha soo socda.
Be the first to comment