Omar Marmoush Oo Sheegay Booska Uu Jecelahay In Uu Ka Ciyaaro.

Manchester City ayaa Khamiistii xaqiijisay inay la soo wareegtay weeraryahanka Eintracht Frankfurt Omar Marmoush.

Wareysigiisii ugu horreeyay ee rasmi ah oo uu la yeeshay City, Marmoush ayaa Shaaciyay halka uu doorbido in uu ka ciyaaro shaxda.

“Waxaan ka ciyaaray boosas badan,” ayuu yiri saxiixa cusub ee City

“Xulka qaranka waxaan ka ciyaaraa garabka bidix inta badan”.

“Kooxdeydii hore waxaan ka ciyaari jiray lambarka sagaalaad, mararka qaarna No.10 iyo waliba sideed”

“Waxaan sidoo kale ka ciyaaray garabka midig, sidaas darteed waxaan u maleynayaa inaan ka ciyaari karo dhammaan boosaska, laakiin waxaan dareemayaa raaxo booska weerarka ka dambeeya gaar ayaan No.10”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga