Manchester United ayaa wadahadalo kula jirta Lecce si ay ula soo saxiixato da’yarka daafaca bidix Patrick Dorgu bishaan January.
Red Devils ayaa suuqa ugu jirta xoojinta dhawr boos oo kooxda ah kadib xilli ciyaareed niyad jab leh oo ay soo qaateen.
Dhawr ciyaartoy oo weerar ah oo caan ah ayaa lala xidhiidhinayay United usbuucyadii dhawaa, laga soo bilaabo xiddiga Sporting Lisbon ee Viktor Gyokeres ilaa xiddiga Paris Saint Germain Randal Kolo Muani inkasta oo xiddiga PSG uu haatan ku dhawyahay in uu amaah ugu biiro Juventus.
Kooxda Old Trafford ayaa sidoo kale raadineysa inay xoojiso dhanka kale ee garoonka, iyadoo dhanka bidix ee difaaca Amorim loo arko inay tahay mudnaanta suuqa January.
Sida laga soo xigtay David Ornstein, Man United ayaa wadahadalo la furtay kooxda ka ciyaarta horyaalka Talyaaniga ee Lecce iyaga oo ka doonaya xiddiga Dorgu.
Wararka ayaa sheegaya in aan wali wax heshiis ah la gaadhin laakiin Man United ayaa riixaysa in ay dhamaystirto heshiiska xiddiga.
Be the first to comment