Man United Oo Chelsea Ka Caawin karta Saxiixa Karim Adeyemi, Qaab Noocee Ah?

Kooxda Man United ayaa Chelsea ka caawin karta in ay hesho saxiixa xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Karim Adeyemi sida ay sheegayaan wararku.

Chelsea ayaa suuqa ugu jirta saxiixa xiddig weerarka ka ciyaara iyada oo kooxdu ku dhibaatoonayso weerarka.

Blues ayaa doonaysa saxiixa xiddiga Karim Adeyemi kaas oo ay doonayso in ay ku xoojiso kooxda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Dortmund ayaa diyaar u ah in ay Chelsea ka iibiso xiddiga Karim Adeyemi suuqa kala iibsiga January ee Bishan.

Laakiin Dortmund ayaa mar hore doonaysa in ay midkood la soo saxiixato xiddigaha Garnacho iyo Rashford.

Hadii ay Dortmund hesho saxiixa labada xiddig midkood waxa ay Chelsea u fududayn doontaa in ay la saxiixato xiddiga Karim Adeyemi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga