
Red Devils ayaa rikoodhayaal kaga badisay kooxda Arsenal kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa FA Cup-ka.
Manchester United ayaa ku digasho ugu dartay Arsenal ka reebistii FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.
Tababare Arteta ayaa kulankii ugu dambeeyay ee Carabao cup-ka ka cawday kubadii lagu ciyaarayay kulanka.
Arteta ayaa sheegay in ay kubadu iska duulaysay mar walba oo ay xiddigaha kooxdiisu kubada ku laagaan goolka.
Man United oo ku diganaysa Arsenal Iyo Arteta ayaa baraha bulshada u adeegsatay digashada Arteta.
Kooxda Man United ayaa soo qaatay sawir goolkii uu Bruno Fernandes ka dhaliyay Man United kulankii FA Cup-ka.
Kadib Man United ayaa sawirka sii raacisay qoraal ah” Kubadn in badan ayay duulaysaa”.
Be the first to comment