DEG-DEG: Guardiola Oo Xaqiijiyay Xiddig Kooxdiisa Ah Oo Dalbaday In Uu Ka Tago Kooxda.

Kabtanka Manchester City Kyle Walker (34) ayaa codsaday inuu ka tago kooxda, sida uu xaqiijiyay tababare Pep Guardiola ka dib markii ay 8-0 ku xasuuqeen Salford City Sabtidii.

Walker ayaa laga saaray kooxdii Guardiola ee wareegii saddexaad, iyadoo tabbaaraha reer Spain sheegay in daafaca midig uu codsaday “in uu tijaabiyo tartan Cusub.

“Laba maalmood ka hor, Kyle ayaa weydiistay inuu  tartan Cusub tijaabiyo isla markaas uu tartan ka baxsan England ciyaaro halkaasna ciyaaraha ku soo af jaro”.

“Waxa uu hore u dalbaday laba sano ka hor, laakiin dalabka Bayern Munich wakhtigaas ma ahayn mid ku filan, sidaas darteed kooxda iyo waxa aan u sheegay sida uu muhiim noogu yahay”.

Walker ayaa City kaga soo biiray Tottenham Hotspur heshiis ku kacaya 50 milyan oo euro wuxuuna u saftay 319 kulan. Waxa uu kooxda ka caawiyay inay ku guulaysato 17 koob oo ay ku jiraan lix koob oo Premier League ah iyo koobkoodii ugu horeeyay ee Champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga