WARBIXIN: 4 Xiddig Oo Ay Liverpool Ku Badali Karto Trent Alexander-Arnold

Kooxda Liverpool ayaa u dagaalamaysa sidii ay u sii haysan lahayd xiddiga Trent Alexander-Arnold kaas oo lala xidhiidhinayo Real Madrid.

Heshiiska Trent Alexander-Arnold ee Liverpool aya dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan walina heshiis cusub uma saxiixin kooxda.

Slot ayaa laga yaabaa in uu ku qasbanaado in uu suuqa u galo badalka Trent Alexander-Arnold hadii uu xiddigu diido in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 5 xiddig oo ay Liverpool u dhaqaaqi karto si ay ugu badasho Trent Alexander-Arnold.

1.Pedro Porro: Liverpool ayaa laga yaabaa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Tottenham ee Pedro Porro kaas oo ah xiddig ku fiican dhinaca daafaca iyo waliba weerarka.

2.Jeremie Frimpong: Waa xiddig qaab ciyaareedkiisa ku soo jiitay dhamaan kooxaha waaweyn ee reer yurub waxana magaciisa lagu arkay liiska kooxo badan oo reer yurub ah.

3.Joshua Kimmich: Kimmich ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican booskiisa sanadihii ugu dambeeyay waxana lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda Bayern Munich Liverpool ayaana taageero weyn u ah xiddiga.

4.Lutsharel Geertruida: Lutsharel Geertruida ayaa ahaa kabtanka Feyenoord markii uu Slot hogaaminayay kooxda waxana uu xiddigu ka ciyaari karaa boos kasta oo daafaca ah waxana uu xiddigu buuxin karaa booska Alexander-Arnold.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga