RASMI: Real Madrid, Barcelona Isku Aadka Copa del Rey-ga Oo La Soo Saaray.

Real Madrid ayaa wajihi doonta Celta Vigo wareega 16-ka ee Copa del Rey 2024-25, halka Barcelona ay ku aaday Real Betis.

Barcelona ayaa iska xaadirisay booskeeda wareega 16ka tartankan iyada oo 4-0 ku garaacday Barbastro, halka Real Madrid ay 5-0 ku garaacday Deportiva Minera si ay u xaqiijiso booskeeda 16ka dhamaadka tartanka xilli ciyaareedkan.

Isku aadka wareega xiga ayaa hadda la sameeyay, iyadoo Real Madrid iyo Barcelona ay ogaadeen kooxaha ay la ciyaari doonaan halka Atletico Madrid oo 13 kulan guul gaartay tartamada oo dhan ay la ciyaari doonto Elche.

Athletic Bilbao ayaa ah kooxda heysata koobka, iyadoo sanadkii hore ku garaacday Mallorca waxan ay la ciyaari doonaan kooxda Osasuna halka Real Sociedad ay la ciyaari doonto Rayo Vallecano.

Kulamada ayaa la qorsheeyay in ay dhici doonaan 14 ilaa 16 January iyadoo wareega 8da ay markaasi dhici doonaan bilowga Bisha February.

Pontevedra vs. Getafe

Ourense vs. Valencia

Almeria vs. Leganes

Elche vs. Atletico Madrid

Real Madrid vs. Celta Vigo

Barcelona vs. Real Betis

Real Sociedad vs. Rayo Vallecano

Athletic Bilbao vs. Osasuna

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga