Kulamada Uu Vini Jr Ganaax Uga Maqnaan Doono Oo La Ogaaday.

Wargaysyada ka imanaya Spain ayaa shaaciyay mudada ganaaxa xiddiga Real Madrid ee Vinicius Junior, kadib markii uu casaan qaatay kulankii Valencia ee horyaalka La Liga.

Shabakadda Kope ayaa sheegtay in gudidda Anshaxa ee La Liga ay go’aamiyeen in Vinicius dusha laga saaray Ganaax 2 kulan ah.

Sidaas darteed xiddiga ayaa garoomada ka maqnaan doona laba kulan oo horyaalka La Liga ah.

Xiddiga reer Brazil ayaa maqnaan doona kulamada Las Palmas iyo Real Valladolid ee horyaalka Spain.

Xiddiga reer Brazil ayaa ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Real Madrid maqnaanshihiisuna waa arin dhib ku ah Ancelotti.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga