
Kooxda Man United ayaa u muuqata kuwo Premier League ka doonaya badalka Goolhaye Andre Onana marka uu fumro suuqa January.
Man United ayaa Goolhayaha kooxda Brighton ee Bart Verbruggen u calaamadsatay badalka Onana sida ay sheegayaan wararku.
Andre Onana ayaa la kulmay dhaleecayn xoogan tan ilaa markii uu yimid Man United isaga oo sameeyay khaladaad aad u badan.
Sida laga soo xigtay Daily Mail, Man United ayaan ku faraxsanayn wax-qabadka Onana tan ilaa markii uu yimid kooxda.
Verbruggen waa goolhayaha koowaad ee Netherlands, halka uu 44 kulan u saftay Brighton tan iyo markii uu ka yimid Anderlecht 2023, oo ay ku jiraan 17 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii 2024-25.
Be the first to comment