Pep Guardiola ayaa qirtay inuu fahmi doono haddii Manchester City ay go’aansato inay ceyriso ka dib qaab ciyaareedka xun ee uu soo bandhigay.
City ayaa badisay kaliya hal kulan 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ka dib guuldaradii 2-0 ee ka soo gaartay Juventus Arbacadii.
Waxay fadhiyaan kaalinta 22-aad ee kala sarreynta Champions League, iyagoo shan dhibcood ka hooseeya boosaska isreebreebka iyada oo ay laba ciyaarood u hadhsan yihiin, waxayna ku jiraan kaalinta afraad ee Premier League, iyagoo siddeed dhibcood ka hooseeya kooxda hoggaanka haysa ee Liverpool, oo iyaduna kulan gacanta ku haysa.
Guardiola ayaa guulo waaweyn la gaadhay kooxda Man City tan ilaa markii uu yimid kooxda sanadkii 2016 walina khibrad uma helin in uu soo bandhigo qaab ciyaareed sidan u liita.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee City Ilkay Gundogan ayaa sheegay in kalsooni hoose iyo “arrin maskaxeed” ay ka dambeeyaan dhibaatada Man City taas oo keenaysa in uu bur-buro xilli ciyaareedkoodu.
Guardioala oo ka hadlaya shaqo ka caydhintiisa ayaa yidhi”Miyay Man City i caydhinaysaa” hadii ay dhacdo gurigayga ayaan aadi doonaa”ayuu yidhi.
Be the first to comment