Barcelona waxa ay had iyo jeer hoy u ahayd qaar ka mid ah weeraryahanadii abid ugu fiicnaa kubada cagta, laakiin heerka gool dhalinta ilaa 2000 waxa ay si fudud u ahayd heer kale.
Si kasta oo uu ciyaartoygu u fiicnaado, gabi ahaanba waa cadaadis ka duwan in uu u saxiixo La Blaugrana oo uu si fiican ugu ciyaaro.
Qaarkood waxay qaataan waqti inay soo bandhigaan qaab ciyaareed fiican halka ay qaar kale markiiba soo bandhigaan qaab ciyaaree heer sare ah.
Warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 10-ka xiddig ee goolasha ugu badan u dhaliyay kooxda 100-kiisa kulan ee ugu horeeya.
1.Luis Suarez – 88 gool:
Xiddigan ayaa la odhan karaa waa xiddiga ugu halista badan Barcelona isaga oo dhaliyay 88 gool 100-kii kulan ee uu u ciyaaray koxda Barcelona.
2.Samuel Eto’o – 68 gool:
Halyeeyga reer Cameroon ayaa ku soo xiga Suarez waxana ay ku qaatay 68 in uu kooxda u dhaliyo 100-kii kulan ee ugu horeeyay waxana uu kooxda kula guulaystay koobab badan oo uu ku jiro 2 champions League.
3.Robert Lewandowski – 63 gool:
Inkasta oo uu yahay 36 sano jir Robert Lewandowski ayaa wali ah xiddig halis ku ah goolka hortiisa waxana u kooxda u dhaliyay 63 gool 100 kulan ee kooxda uu u ciyaaray.
4.Neymar – 58 gool
5.Patrick Kluivert – 52 gool
6.Thierry Henry – 46 gool
7.Ronaldinho – 44 gool
8.David Villa – 42 gool
9.Pedro – 41 gool
10.Lionel Messi – 41 gool
Be the first to comment