Lamine Yamal Oo Dhaawac Soo Gaadhay

Tababaraha kooxda Barcelona Hansi Flick ayaa xaqiijiyay in kooxdu ay ka codsatay Lamine Yamal in laga fasaxo xulka qaranka Spain sababo la xiriira dhaawac.

17-sano jirkaan ayaa ka maqnaa shaxdii Axadii ee La Liga ay la ciyaareen Real Sociedad, halkaasoo Barca ay la kulantay guuldarro lama filaan ah oo 1-0 ah.

Yamal ayaa ciyaaray 90 daqiiqo kulankii ay 5/2 kaga badiyeen kooxda Red Star Belgrade bartamihii todobaadka Champions League, laakiin kooxda ayaa Axadii xaqiijisay inuu soo gaaray “xanuun daran”.

“Lamine Yamal waxaa soo gaaray xanuun daran Arbacadii kulankii Red Star,”ayay Barcelona shaacisay.

“Waxa lagu samayn doonaa xaaladiisa laakiin xaalada xiddiga ayaa ah mid aan fiicnayn”ayay sii raaciyeen.

Yamal ayaa looga yeeray xulka Spain ee wajihi doona Denmark (November 15) iyo Switzerland (November 18) ee tartanka UEFA Nations League dhamaadka bishaan, laakiin Barcelona ayaa rajeyneysa in laga saaro xulka qaranka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga