Jamie Carragher ayaa shaki galiyay in Matthijs de Ligt iyo Harry Maguire ay ka ciyaari doonaan shaxda tababare Ruben Amorim isaga oo sheegay xiddi lama filaan ah oo ka ciyaari doona garabka Bidix.
Red Devils ayaa tirinaysa maalmaha ilaa inta uu tababarohooda cusub la wareegayo shaqada kadib markii la xaqiijiyay in loo magacaabay taabaraha cusub ee kooxda todobaadkii hore.
Taageerayaasha United ayaa sugi doona ilaa kulanka ay Ipswich si ay u arkaan tababarohooda cusub oo hogaamin doona kooxda 24 bishan lagu jiro waxana tan ilaa wakhtigaas jiri doona hadal hayn badan oo ku saabsan sida uu ku ciyaari doono.
Tababaraha reer Portugal ayaa xirfadiisa tababaranimo ku ciyaaray 3 daafac waxana la filayaa in uu arintaas sii wado marka uu yimaado Man United.
“Waxaan qabaa inay ku haboon tahay Martinez booskan.” Daaficii hore ee Liverpool ayaa sidaa ku sheegay Sky Sports.
“Uma malaynayo in De Ligt ama Maguire ay ku soo baxayaan shaxda 3-da daafaca, ma awoodi karaan”.
“Yoro waxa uu kooxda yimid isaga oo da’yar ah, waa xiddig mustaqbal ku leh kooxda waxa aan hubaa in uu ku ciyaari karo shaxda”.
arinta la yaabka leh ayaa ah in uu Carragher saadaaliyay in daafaca united uu noqon doono De Ligt, Martinez, Yoro halka uu khadka dhexe sheegay Ugarte iyo Kobbie Mainoo.
Sidoo kale waxa uu garabka midig ee weerarka ka dhigay Noussair Mazraoui
Be the first to comment