Dib U Eegid: Arsenal Oo Boodhka Ka Jafatay Rikoodh Xun Oo Ay Dhigtay 2 Sano Ka Hor Premier League.

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro kala kulantay kooxda Newcastle kulan ka tirsanaa premier League.

Arsenal ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay Newcastle United iyada kooxda Mikel Arteta soo bandhigtay qaab ciyaareed aad u liita.

Gunners ayaa la kulantay guuldaradii 2-aad oo xidhiidh ah horyaalka premier League kadib kulankii Bournemouth.

Kadib guuldarada kooxda Arsenal ayaa boodhka ka jafatay rikoodh ay dhigtay 2 sano ka hor horyaalka premier League.

Arsenal ayaa laga badiyay laba kulan oo xidhiidh ah kulamada martida horyaalka premier League markii ugu horaysay tan ilaa sanadka 2022.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga