Palmer Mise Saka? Fabregas Oo Ka Hadlay Is Bar-Bardhiga Labada Xiddig.

Xiddigii hore ee kooxaha chelsea iyo Arsenal ee Cesc Fabregas ayaa la wadaagay go’aankiisa ku saabsan doodda socota ee Bukayo Saka vs Cole Palmer

Xiddigaha Saka iyo Palmer ayaa si weyn la isku bar-bar dhigayay wakhtigii ugu dambeeyay iyada oo taageerayaashu ka dhiibanayeen fikirkooda.

Laakiin Fabregas ayaa sheegay in uu xulka England nasiib u leeyahay in uu haysto laba xiddig oo cajiib ah oo tayo leh.

Fabregas ayaa sheegay in aan wax loo baahanyahay ahayn in la is bar-bar dhigo labada xiddig maadama mid walba leeyahay tayo fiican.

“Uma baahnid in ciyaartoyda la is barbar dhigo, England ayaa nasiib u leeyihiin in ay haystaan laba xiddig oo tayo leh kaliya ku raaxayso qaab ciyaareedkooda”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga