War U Xun Arsenal: Bukayo Saka Oo Dhaawac Soo Gaadhay

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Gunners ee Bukayo Saka ayaa la bedelay horaantii qeybtii labaad ee ciyaartii xulka England ku ciyaaray garoonka Wembley Stadium.

Xulka England ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulmay xulka Greece kulan Ka tirsanaa Nations League.

Saka ayay garbaha qabteen shaqaalaha caafimaadka iyada oo lagu badalay Noni Madueke.

Saka ayaa u muuqday mid la dhibaatoonaya dhaawac muruqa ah taas oo wal-wal abuuraysa kooxda Arsenal.

Tababaraha ku meel gaadhka ah ee England Lee Carsley ayaa u sheegay suxufiyiinta ka dib markii la waydiiyey Xaalada xiddiga in la qiimayn doono.

“Waa la qiimayn doonaa Xaalada xiddiga waxa uu xanuun Ka dareemay lugta”.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga