Zubimendi Oo Ka Jawaabay Xiisaha Man City Ee Saxiixiisa.

Relevo ayaa dhawaan soo wariyay in Cityzens ay raadineyso inay la soo wareegto ciyaaryahan khadka dhexe ah suuqa January ka dib markii ay arkeen Rodri oo dhaawac waqti dheer ah ku maqanaan doona.

Wararka Ayaa intaas ku daraya in kooxda Pep Guardiola ay u dhaqaaqi doonto saxiixa Zubimendi isla markaas Ka gudbin doonto saxiixiisa dalab 50 Milyan ah.

Xiddiga Real Sociedad iyo Spain ayaa si dhow loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Liverpool intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga, Reds ayaana kalsooni ku qabtay Soo Xero galinta xiddiga.

kastaba ha ahaatee, 25 jirkaan ayaa markii dambe diiday inuu ka tago kooxda reer Spain daqiiqadii ugu dambeeyay.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa u muuqday inuu hoos u dhigay wararka la xidhiidhinaya Man city waxana uu yidhi”Mar walba waxaa jira warar xan ah, laakiin ilaa iyo hadda waxaan mar walba ku fikiri jiray in xalka ugu fiican uu yahay inaan sii joogo Real Sociedad”.

“Waxa jira waxyaabo badan oo aan kooxdan siin karo, waxa aan wali doonayaa in aan koro”.

Ciyaaryahanka ayaa hadda la jooga xulka qaranka Spain oo isku diyaarinaya inay wajahaan Denmark iyo Serbia kulan ka tirsan League Nations League

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga