Barcelona ayaa xaqiijisay in Ferran Torres uu garoomada ka maqnaan doono muddo kadib dhaawac soo gaadhay.
Tan iyo imaatinka Hansi Flick, Torres ayaa kulamo badan u ciyaaray kooxda isaga oo ka mid ahaa weerarka kooxda.
Guud ahaan lix kullan ayuu ku soo bilowday halka uu 4 kulan oo kale badal ku soo galay tartamada oo dhan waxana uu kaliya seegay hal kulan.
Xiddiag 24 jirka ah ayaa ciyaaray kaliya 6 daqiiqo kulankii ugu dambeeyay isaga oo dhaawac muruqa ah uga baxay daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaarta.
Warbixin ay soo saartay subaxnimadii isniinta ayay Barcelona ku tidhi: “Tijaabooyin lagu sameeyay ciyaartoyga kooxda kowaad ee Ferran Torres ayaa xaqiijinaya in uu dhaawac ka soo gaadhay muruqa”.
“Ku soo laabashadiisa tababarka waxay ku xirnaan doontaa soo kabsashadiisa”.
Be the first to comment