Xiddig U Ciyaara Chelsea Oo Laga Shaki Qabo Xaaladiisa Caafimaad, Sabab.

Waxaa jira walaac isa soo taraya oo laga qabo in Wesley Fofana uu dhaawac soo gaaray ka dib kulankii ay Chelsea barbaraha 1-1 la gashay Nottingham Forest Axadii.

Fofana ayaa ciyaartay 90-kii daqiiqo ee ciyaartii axada ee Stamford Bridge, halkaas oo Noni Madueke uu dhaliyay goolka bar-baraha ee qeybtii labaad ee ciyaarta si uu dhibic uga badbaadiyo Chelsea.

23-sano jirkaan ayaa laga saaray gabi ahaan xilli ciyaareedkii hore ka dib markii uu dhaawac halis ah ka soo gaadhay jilibka.

Laakiin xiddiga ayaa soo laabtay waxana uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican kooxda Enzo Maresca isaga oo ku bilowday kulan kasta oo premier League ah.

Si kastaba ha ahaatee, Fofana ayaa seegi doona kulanka soo socda ee Chelsea iyo Liverpool ka dib markii uu qaatay jaalihiisii ​​shanaad ee xilli ciyaareedka.

Waxaa laga cabsi qabaa in Fofana uu sidoo kale ku dhibtoonayo taam ahaanshihiisa, iyadoo L’Equipe ay soo warineyso in daafaca uu shaki ku jiro inuu ciyaari karo kulanka xulka France ee Nations League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga