
Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Manchester United Alejandro Garnacho ayaa isaga baxay xulka Argentina dhaawac dartiis.
20-sano jirkaan ayaa dhameystiray ciyaartii ay kooxda Man United bar-baraha gool la’aanta ah la gashay Aston Villa.
Sida laga soo xigtay TyC Sports, Garnacho ayaa ka cabanaya dhibaato jilibka ah, kooxda caafimaadka United ayaana kula talisay inuusan wax khatar ah gelin.
Argentina ayaa ciyaari doonta labo kulan oo isreeb reebka koobka adduunka inta lagu guda jiro fasaxa xulalka.
Kulanka ugu horeeya ayaa dhici doona khamiista waxana uu xulka Argentine la ciyaari doonan xulka Venezuela halka ay kulanka 2-aad la ciyaari doonaan Bolovia Arbacada dambe.
Be the first to comment