Martinelli Oo Xiddig Arsenal U Ciyaara Ku Tilmaamay Mid Ka Mid Ah Xiddigaha Ugu Fiican Adduunka.

Gabriel Martinelli ayaa saaxiibkiis Bukayo Saka ku tilmaamay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka kadib markii uu sii watay qaab ciyaareedkiisii ​​wacnaa kulankii Premier League ee ay guusha ka gaadheen Southampton.

Saka ayaa hurdo u diray kulankii ku adkaa kooxdiisa ee ay 3/1 kaga badiyeen Southampton kulan ka tirsnaaa premier League.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee England ayaa sidoo kale caawiye ka ahaa goolashii ay dhaliyeen xiddigaha Kai Havertz iyo Martinelli.

Saka ayaa haatanba dhaliyay 3 gool halka uu caawiye ka noqday 7 kale xilli ciyaareedkan Martinelli ayuuna shaki kaga jirin in uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican adduunka.

“Waa mid aan la rumaysan karin, waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka wakhtigan la joogo”ayuu sii raaciyay.

“Runtii waa mid cajiib ah waan ku faraxsanahay in uu ka mid yahay kabtanada kooxda”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga