Sababtii Uu Leny Yoro U Diiday Real Madrid Ugana Doortay Man United Oo La Ogaaday.

Qandaraaska Manchester United oo aad u sarreeya ayaa ahaa qodobka go’aamiyay go’aanka Leny Yoro ee ku aadan inuu u dhaqaaqo Man United iskana diido Real Madrid.

Xidigii hore ee Lille waxa uu u muuqday mid doonayay in uu ku biiro Real Madrid kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.

Yoro oo lala xidhiidhinayay kooxo waaweyn kana mid tahay Liverpool ayaa la sheegayay in uu qalbiga ku hayay ku biirista Man United.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Carlo Ancelotti ayaan waligeed soo bandhigin dalab rasmi ah oo ku aadan  xiddiga taas oo keentay in ay Man United miiska u saarto xiddiga heshiis uu ku qaadanayo 52.4 milyan euro.

Man United ayaa laga yaabaa in ay bixiso lacag ku dhaw 59 milyan marka lagu daro gunooyinka laakiin Lille ayaa heli lahayd lacag ka badan mida ay Man United ka heshay hadii uu ku biiri lahaa xiddigu.

Wargayska MARCA Ayaa sheegaya in ay Real Madrid xiddiga mushahar ahaan ugu soo bandhigtay 2.5 milayn euro sanadkii halka ay Man United da’yarka miiska u saartay 9.5 milyan euro sanadkii.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga