Mikel Arteta Oo Ka Hadlay Riccardo Calafiori

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa wax laga waydiiyay xaaladii ugu dambaysay ee saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Riccardo Calafiori.

Riccardo Calafiori ayaa bartilmaameed u ah kooxda Arsenal iyada oo Gunners doonayso in ay ku xoojiso daafaca dhexe xilli ciyaareedka cusub.

Arsenal ayaa heshiis la gaadhay kooxda Bologna laakiin waxa ay ku dhibaatoonaysaa in ay dhamaystirto heshiiska sabba la xidhiidha shuruudo ku jiray heshiiskii uu xiddigu ugu soo biiray Bologna.

Isagoo ka hadlayay kulanka saaxiibtinimo ee saaka ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee Bournemouth Arteta ayaa yidhi”Ma jiro wax war ah oo cusub”.

“Isla marka ay wax is badalaan waan sheegi doonaa”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga