Mikel Arteta Oo Sheegay Halka Arin Ee Arsenal Ka Caawinaysa Ku Guulaysiga Premier League Xilli Ciyaareedka Cusub.

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa u sheegay kooxdiisa in ay horay u dhamaystiraan saxiixyada cusub ee suuqa kala iibsiga hadii ay doonayaan in ay ku guulaystaan horyaalka xilli ciyaareedka cusub.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa sheegay in saxiixyada cusub ay Arsenal ka caawin karaan ku guulaysiga horyaalka.

Isagoo ka jawaabaya su’aal ku saabsan inay u baahan yihiin inay la soo saxiixdaan xiddigo cusub ayuu Arteta yidhi”Waa in aan samayno saxiixyo cusub”.

“Hadii aan doonayno in aan ku guulaysano horyaalka waa waajib in aan saxiixyo cusub samayno”ayuu sii raaciyay.

Arsenal ayaan wali wax saxiix ah samayn suuqa kala iibsiga laakiin arintaas ayaa la filayaa in ay is badasho maalmaha iyo todobaadyada soo socda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga