4 Xiddig Oo Ay Tahay In Ay Isaga Tagaan Man United Suuqa Xagaaga.

Man United ayaa xoojisay dhaq-dhaqaaqa suuqa kala iibsiga iyaga oo u diyaar garoobaya xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League.

Red Devils ayaa haatan dhamaystirtay laba saxiix iyada oo maamulka kooxdu taageerayaan tababare Ten Hag.

Marka laga yimaado saxiixyada cusub waxa jira xiddigo u baahan in ay isaga tagaan kooxda suuqa xagaagan.

Aaron Wan-Bissaka:

Man Utd ayaa lagu soo waramayaa inay haatan wadahadalo kula jirto west Ham si ay uga iibiso xiddiga Aaron Wan-Bissaka.

Xiddiga ayaa ku dhibaatooday in uu si joogto ah ugu ciyaaray Man United sabab la xidhiidha qaab ciyaareedkiisa aan fiicnayn.

Jadon Sancho:

Xiddiga ayaa dhawaan dib ugu soo laabtay kooxda Man United kadib markii uu raali-galiyay tababare Ten Hag.

Xiddiga ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Juventus kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga reer England.

Harry Maguire:

Waa xiddig Man United ka caawin kara in ay la soo saxiixato daafaca cusub suuqa kala iibsiga xagaaga.

Man United ayaa la soo saxiixatay Leny Yoro oo ay ku xoojiyaan daafaca dhexe.

United ayaa lala xidhiidhinayaa daafacyo kale laakiin mark hore waa in ay iska iibiso daafac waxana uu noqon karaa Harry Kane.

Casemiro:

Xiddiga khadka dhexe ee Casemiro ayaa ku dhibaatooday Man United xilli ciyaareedkii hore.

Casemiro ayaa si weyn loo filayaa in uu isaga tagayo kooxda Man United suuqa kala iibsiga xagaaga.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga