Rice Oo Fariin U Diray Rordi Iyo Xulka Spain Ka Hor Final-ka Euro 2024.

Declan Rice ayaa ku adkeysanaya inuu ixtiraam weyn u hayo Rodri laakiin uu sameyn doono wax walba oo uu ku xaqiijin karo in England ay ka adkaato xulkiisa Spain finalka Euro 2024.

Laba ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu fiican Premier League ayaa si fool ka fool ah isaga hor iman doona finalka Axada ee Berlin.

Rice ayaa xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeysay ee Arsenal ku raaxaysatay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo ka caawiyay Gunners in ay ku tartamaan horyaalka premier League.

Dhanka kale, Rodri, ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican England tan iyo markii uu 2019 ka soo dhaqaaqay Atletico Madrid, isagoo afar koob oo xiriir ah kula guulaystay Etihad Stadium.

“Sida iska cad waxaan ognahay Rodri inuu yahay ciyaaryahan sare,” Rice ayaa ku yidhi shir jaraa’id kahor ciyaarta.

“Waxaan wareysi bixiyay wax yar kadib dhamaadkii xilli ciyaareedka si weyn ayaanan uga hadlay isaga”ayuu yidhi.

“Xushmad weyn ayaan isaga u hayaa laakiin Axada waxa aan doonaynaa in aan garaacno isaga iyo xulkiisa”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga