Xiddiga U Ciyaara Liverpool Oo Tababarihiisa Ka Codsadsy In Ay La Soo Saxiixdaan Xiddiga khadka Dhexe Ah

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Wataru Endo ayaa ku dhiirigaliyay maamulaha kooxda Arne Slot inuu la Soo saxiixdo xiddig khadka dhexe ah oo ka ciyaara booska No.6 inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Endo ayaa kaliya xagaagii hore ugu soo biiray Liverpool isaga oo kaga soo biiray kooxda Stuttgart lacag dhan 17 milyan oo euro waxana loo aqoonsaday bartilmaameedka suuqa kala iibsiga kadib markii ay Reds wayday saxiixyada Moises Caicedo iyo Romeo Lavia kuwaas oo labadooduba ku biiray Chelsea.

Si kastaba ha ahaatee, 31 jirkaan ayaa si joogto ah uga soo hoos muuqday tababarihii hore ee Jurgen Klopp isaga oo ciyaaray 43 kulan tartamada oo dhan.

Xiddiga ayaa tababaraha kooxda ee Arne Slot u sheegay in ay kooxdu la Soo Saxiixato xiddig kale oo ay isku boos ka ciyaaraan hadii ay caawinayso kooxda.

Isagoo ka jawaabaya wararka sheegaya in Liverpool ay qorsheyneyso inay la soo saxiixato ciyaaryahan cusub oo khadka dhexe ah mar uu wareysi siinayay ABEMA Sports Time, Endo ayaa qoslay yiri: “Waxba igama gelin wararkaas, laakiin sidoo kale waxaan qabaa inay fiicnaan lahayd in la helo lambarka lixaad ee khadka dhexe”.

“Marka la eego da’dayda way fiicantahay in ay kooxdu la Soo Saxiixato xiddig kale Oo khadka dhexe ah”.

“Wan ka ciyaari karaa booska No.6 laakiin hadii ay caawinayso kooxda waan jecelahay in ay kooxdu la Soo Saxiixato”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga