Xiddig Arsenal U Ciyaara Oo Xaqiijiyay In Uu Ka Tagayo kooxda Xagaaga.

Kieran Tierney ayaa aaminsan in uu horay u ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Arsenal isaga oo isku diyaarinaya in uu ka tago kooxda Arsenal xagaagan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Scotland ayaa doortay inuu amaah hal xilli ciyaareed ah ugu biiro La Real bilowgii xilli ciyaareedka 2023/24 iyadoo fursadaha kooxdiisii hore Aad u yarayd.

Sawirku isma bedelin Tierney waqtigii uu ku sugnaa San Sebastian iyadoo Gunners ay u dagaalamaysay horyaalka Premier League.

Sociedad ayaan si toos ah ula wareegi doonin xiddiga taas Oo shaki ku abuurtay Mustaqbalkiisa.

Tierney ayaa Ka Hadlay Mustaqbalkiisa kooxda Arsenal isaga Oo sheegay in uu isaga tagi doono kooxda.

“Waxay haystaan Zinchenko, Timber, Tomiyasu, Kiwior. Afar ciyaaryahan ayaa ka ciyaari kara booskayga. Markaa haddii aan dib u laabto, oo ay la mid tahay sidii hore markaas anigu doqon ma ihi, waan ogahay in ay suurtogal tahay in aan baxo,” ayuu yidhi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga