Chelsea Oo Si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Saxiixa Xiddig Muhiim Ka Ah Man City.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay si lama filaan ah ula soo wareegto xiddiga Manchester City Jack Grealish.

Blues ayaa qorshe weyn u leh suuqa xagaaga iyada oo Mauricio Pochettino uu doonayo in uu keeno daafac dhexe, garab iyo weerar dhexe oo cusub.

Mustaqbalka Pochettino ee Stamford Bridge ayaan la hubin iyada oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda.

Sida laga soo xigtay saxafiga Simon Phillips, Grealish ayaa ah xiddiga ay kooxda chelsea aad uga fiirsanayso todobaadyadii ugu dambeeyay.

“Xiddig ay Maamulka chelsea ka wadahadleen ayaa ah xiddiga Man City ee Jack Grealish”ayuu Yidhi Phillips.

Grealish ayaa muhiim ka ah kooxda Man City waxana uu door weyn ka ciyaaray ku guulaysiga Man City ee koobabka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga