Xabi Alonso Oo Sheegay Sababta Uu Isaga Diiday Liverpool

Xabi Alonso ayaa shaaca ka qaaday sababta ugu weyn ee uu u doortay in uu u diido Liverpool isaga oo doortay in uu sii joogo Bayer Leverkusen.

Tan iyo markii uu ku biiray kooxda Bundesliga, Alonso waxa dhinaca kale u rogay nasiibka kooxda.

Xili ciyaareed kan, Alonso ayaa Leverkusen ku hogaamiyay hogaanka horyaalka Bundesliga wuxuuna ku sii dhawaanayaa hanashada horyaalka.

Hadda waxa ay 16 dhibcood ka sareeyaan kooxda difaacanaysa koobka ee Bayern Munich.

Sidaas darteed, Alonso ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Liverpool si uu u bedelo Jurgen Klopp, kaasoo ka tagi doona Anfield dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Bishii hore, Alonso waxa uu u ballan qaaday mustaqbalkiisa Leverkusen, waxa uu yidhi: “Waxa aan kulan fiican la qaatay Bayer Leverkusen, waxanan ku wargaliyay in aan sii joogi doono kooxda”.

Hadda, wareysi uu dhawaan siiyay TNT Sports, Alonso ayaa shaaca ka qaaday sababta uu u go’aansaday inuu sii joogo Leverkusen.

Waxa uu yiri: “Waxaa jiray sababo badan oo aan go’aanka ku gaadhay, Hal sano ka dib, waxaan dhiseynaa koox, waxaan ku dhiseynaa ruux weyn halkan”.

“Waxaa jiray sababo badan iyo ciyaartoy badan. Xilli ciyaareedku wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan ilaa hadda, waxaana hubaal ah inaan dooneyno inaan sii wadno”.

Alonso wuxuu raaciyay: “Waxaan dareemay qayb ka mid ah. Hal sano ka dib, ma dareemin waqti ku habboon, waana sababta aan u go’aansaday.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga