Robbie Savage Oo Doortay Xiddiga Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Waxa la galay todobaadyadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka horyaalka premier League.

Khabiirka kubada cagta Robbie Savage ayaa doortay xiddiga ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Robbie Savage ayaa xiddiga Man City ee Phil Foden u doortay xiddiga ugu fiican xilli ciyaareedka premier League.

“Way adagtahay in la dhaafo qaab ciyaareedka Martin Odegaard iyo hogaamintiisa laakiin Foden ayaa ahaa mid cajiib ah xilli ciyaareedkan”.

“Man City kuma jirto qaab ciyaareed fiican laakiin Foden ayaa wacdaro dhigay xilli ciyaareedkan”ayuu sii raaciyay.

Foden ayaa dhaliyay 19 gool halka uu caawiye ka noqday 10 kale tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga