Erik Ten Hag Oo Ka Hadlay Bar-Barihii Ay Kooxdiisu La Gashay Brentford.

Tababaraha Kooxda Man United ee Erik Ten Hag ayaa ka hadlay Bar-Barihii ay kooxdiisu la gashay Brentford kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kooxda Man United ayaa bar-baro 1/1 ah la gashay Brentford kulan ka tirsanaa horyaalka premier Legaue kana dhacay garoonka Brentford.

“Brentford waxay rabeen in ka badan anaga kulanka oo dhan”.

“Ka dib fasaxa caalamiga ah heerarku waligood ma ahan sidii hore mana ahan mid sareeya”.

“Nasiib ayaan ku yeelanay inaan helno dhibic haa”ayuu sii raaciyay.

Man United ayaa ku fashilantay in ay cadaadis saarto kooxaha kaga sareeya tartanka Kaalmaha champions League.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga