Thierry Henry ayaa rikoor gaar ah u dhigay kooxda Arsenal intii lagu jiray xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay isaga oo dhaliyay 7 kulan oo xiriir ah horyaalka Premier League.
Dhowr sano ka dib, Kai Havertz wuxuu hadda ku dhow yahay inuu sameeyo rikoodhkaas isagoo hadda afar gool dhaliyay kulamo badan oo xiriir ah.
Kai ayaa shabaqa soo taabtay kulamaadii ay kooxdiisu ka badisay Burnley, Sheffield United, Newcastle United iyo Brentford.
Kadib markii uu dhaliyay, waxa uu noqday xiddigii ugu horeeyay ee ka soo jeeda Germany oo Premier League ka dhaliya goolal xidhiidh ah.
Haddii aan ka soo qaadno Kai gool ka dhaliyay Manchester City – iyo kulamada ka dambeeya waxa uu bar-barayn doonaa rikoodhka Henry.
Be the first to comment