7 Sharci Oo Koobka Adduunka Oo Badali Doona Kubada Cagta

Koobka Adduunka 2026 ma aha oo kaliya mid weynaanaya, balse sidoo kale wuxuu yeelan doonaa xeerar cusub oo ciyaarta beddeli doona.

waxa jiri doona sharciyo badan kuwaas oo saamayn ku yeelan doona kubada cagta iyada oo ay sharciyadaasi xiiso u yeeli doonaan kubada cagta.

1. Nidaamka Cusub ee Tartanka

Koobka Adduunka 2026 waxaa ka qayb geli doona 48 xul oo loo qaybiyay 12 group, group kastaana wuxuu yeelan doonaa 4 kooxood.

  • Labada xul ee ugu sarreeya group kasta si toos ah ayay u gudbi doonaan.
  • Waxaa sidoo kale gudbi doona 8-da xul ee kaalinta 3-aad ugu fiican.

Tani waxay abuureysaa wareeg bug-bax ah oo 32 xulka ee wareegga 16-ka.

Tusaale ahaan, xulalka sida Germany, Belgium iyo Uruguay oo ku haray kaalinta 3-aad ee Qatar 2022 ayaa laga yaabaa inay markan sii gudbaan. Taasi waxay beddeli doontaa xeeladaha tababarayaasha iyo sida xulalku u ciyaarayaan.

2. La Dagaallanka Waqti Luminta

FIFA waxay adkayn doontaa sharciyada ka dhanka ah waqtiga la lumiyo.

Waxyaabaha la adkaynayo waxaa ka mid ah:

  • Goolhayayaasha oo dib u dhigaya ciyaarta.
  • Dib u bilaabista ciyaarta oo si ula kac ah loo gaabiyo.
  • Ciyaartoyda si gaabis ah uga baxaya garoonka marka la beddelayo.

3. Tiknoolajiyadda Offside-ka oo Horumarsan

Tiknoolajiyadda offside-ka ee otomaatiga ah ayaa noqon doonta mid sax ah oo degdeg badan.

Go’aamada offside-ka waxaa la bixin doonaa si ka dhaqso badan sidii Qatar 2022.

4. Sharciga Rigoorada ee Laba Jeer Taabashada

Haddii ciyaaryahan si kama’ ah laba jeer kubbadda u taabto marka uu rigooro tuurayo:

  • Haddii gool dhalo, rigoorada waa lagu celinayaa.
  • Haddii si ula kac ah laba jeer u taabto, goolka lama aqbalayo.

Sharcigan waxaa la beddelay kadib dhacdadii Julián Álvarez ee Champions League 2025.

5. Kaamirooyinka Garsoorayaasha

FIFA waxay tijaabinaysaa kaamirooyin lagu xiro garsoorayaasha.

Haddii la hirgeliyo:

  • Dhammaan murannada iyo doodaha ciyaartoyda waa la duubi doonaa.
  • Taageerayaashu waxay arki doonaan waxa garsooruhu arko.

6. Laba Joojin  Kulan Kasta

Qiyaastii daqiiqadda 22-aad ee qayb kasta:

  • Ciyaarta waa la joojin doonaa.
  • Waxaa jiri doona nasasho biyo-cabid oo qasab ah.

Tababarayaashu waxay waqtigan siin karaan ciyaartoyda tilmaamo cusub.

7. Sharciga Jugta Madaxa

Haddii ciyaaryahan madaxa dhaawac ka soo gaaro:

  • Waxaa la beddeli karaa iyadoo aan xulka laga jarayn beddelka caadiga ah.
  • Tani waxay ilaalinaysaa caafimaadka ciyaartoyda.

8. Sharci Cusub oo kubad tuurista.

Hore marka ciyaarta loo joojin jiray sabab dhexdhexaad ah, kubbadda labada xul  ayaa lagu tartami jiray.

Hadda:

  • Kubbadda waxaa si toos ah loo siin doonaa kooxdii lahayd kubbadda.
  • Ma jiri doono 50/50 kubad tuuris dhex-dhexaad ah.

9. Xulalka Finalka Gaadha Waxay Ciyaari Karaan 8 Kulan

Koobkii hore ugu badnaan waxay Xulalku ciyaari jireen 7 kulan.

2026:

  • Xulalka ugu dambeeya waxay ciyaari karaan ilaa 8 kulan.
  • Sidaas darteed qoto-dheeraanta xulalka  ayaa ka muhiimsan sidii hore.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga