Yaabkii Koobka Adduunka! Norway Oo 2-1 Ku Reebtay Brazil Unaa Baxday Quarter-final-ka

Norway ayaa xaqiijisatay u soo bixitaankeeda wareegga siddeedda (Quarter-final-ka) ee Koobka Adduunka kadib markii ay 2-1 kaga adkaatay Brazil kulankii wareegga 16-ka ee lagu ciyaaray garoonka New York/New Jersey. Waxay wareegga xiga la ciyaari doontaa kooxda ku soo baxda kulanka u dhexeeya England iyo Mexico.

Xulka Norway ayaa u maleeyay inay hoggaanka qabteen daqiiqaddii 3-aad markii Berg uu shabaqa soo taabtay, balse goolka waxaa loo diiday offside. Brazil ayaa heshay rigoore daqiiqaddii 14-aad, hase yeeshee Bruno Guimarães ayaa khasaaray kadib markii goolhayaha Norway uu sameeyay badbaadin cajiib ah.

Vinícius Júnior ayaa ku dhowaaday inuu Brazil hoggaanka u dhiibo daqiiqaddii 40-aad, balse goolhayaha Norway ayaa markale muujiyay bandhig heer sare ah. Dhinaca kale, Martin Ødegaard ayaa isna fursad helay, balse Alisson ayaa sameeyay badbaadin weyn waqtigii dheeriga ahaa ee qeybta hore, taasoo keentay in lagu kala nasto barbaro goolal la’aan ah (0-0).

Qeybtii labaad, Brazil ayaa sii waday inay maamusho ciyaarta isla markaana abuurtay fursado dhowr ah. Endrick, oo beddel ku soo galay garoonka, ayaa ku dhowaaday inuu gool dhaliyo kadib baas uu ka helay Vinícius, balse kubbaddiisii ayaa banaanka martay.

Daqiiqaddii 67-aad, Erling Haaland ayaa ku sigtay inuu Norway hoggaanka u dhiibo, halka Andreas Schjelderup uu isna helay fursad daqiiqaddii 74-aad, balse Alisson ayaa mar kale badbaadiyay. Ugu dambeyn, daqiiqaddii 80-aad, Schjelderup ayaa karoos qurux badan soo dhigay, waxaana madax ku dhaliyay Haaland oo Norway hoggaanka u dhiibay.

Brazil ayaa isla markiiba ku dhowaatay inay barbareyso, balse goolhayaha Norway ayaa sameeyay badbaadin muhiim ah. Casemiro ayaa sidoo kale lumiyay fursad dahabi ah daqiiqaddii 85-aad.

Daqiiqaddii 89-aad, Haaland ayaa dhaliyay goolkiisii labaad isagoo kubbad hoose ka toogtay bannaanka diilinta ganaaxa, taasoo Alisson uu qaban waayay. Garsooraha ayaa markii dambe Brazil siiyay rigoore, waxaana Neymar uu u beddelay gool daqiiqaddii sagaalaad ee waqtiga dheeriga ah, balse ciyaarta ayaa ku dhammaatay guul 2-1 ah oo ay Norway ku garaacday Brazil.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga