YAAB: Manchester United Oo Loo Diidayo Inay Shaqada Ka Erido Erik ten Hag

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa loo diidi doonaa in ay shaqada ka erido tababare Erik ten Hag, xataa haddii ay isku dayaan inay sameeyaan isbeddel xilli-ciyaareedkan ay aadka u liitaan, waxaana soo baxaya faahfaahin dheeraad ah oo la xidhiidha sababta ku qasbaysa United inay sii haysato macallinkan reer Netherlands.

Manchester United oo Sabtidii la kulantay guul-darro 3-0 ah oo ay usoo xambaarisay Bournemouth oo ku b ooqatay garoonka Old Trafford, ayaa waxa ay cadaadiska kusii kordhisay Erik ten Hag.

Inkasta oo Manchester United ay dib ugu soo laabteen tubta guusha markii ay Chelsea 2-1 kaga adkaadeen Arbacadii, haddana Bournemouth ayaa ku noqotay imtixaan kale, iyadoo saddexda gool ay u dhaliyeen Domink Solanke, Philip Billing iyo Marcos Senesi.

Salaasada oo ay la ciyaarayaan Bayern Munich ayaa rajada Manchester United ee tartanka Champions League ay ku xidhan tahay, sidoo kalena Liverpool ayey ku booqan doonaan Anfield Axadda usbuuca soo socda, waana laba ciyaarood oo waaweyn oo haddii ay guul-darraystaan uu xilli ciyaareedkoodu si dhab ah u noqon doono mid qalalaase ah.

Si kastaba, Erik ten Hag waa uu sii joogi doonaa kooxda xataa haddii ay guul-darrooyinkani dhacaan, sababtoo ah waxa Red Devils loo diidi doonaa inay shaqada ka caydhiyaan.

Wargeyska The Athletic ayaa sheegay in Manchester United aanay go’aan weyn oo isbeddel ah qaadan karaynin illaa inta laga dhamaystirayo heshiiska Sir Jim Ratcliffe uu kula wareegayo 25% saamiyada kooxda, kaas oo sidoo kale la wareegi doona maamulka kooxda.

Warka ayaa intaa ku daray, in qodobbada heshiiska ee gunaanadka maraya ay ku jiraan in aanay kooxda wax isbeddel ah iyo go’aamo waaweyn gaadhi karaynin illaa inta uu maamulka naadiga la wareegayo Sir Jim Ratcliffe oo isagu go’aamin doona mustaqbalka Ten Hag.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga