Chelsea Oo Guul-darradii 2aad Ee Xidhiidh Ah Loogu Xambaariyey Iyo Man City Oo Kusoo Laabatay Tubta Guusha

Kooxda kubadda cagta Everton ayaa guul-darro xanuun badan usoo xambaarisay Chelsea oo ay 2-0 kugoo garaacday kulan ka dhacay Goodison Park, taas oo noqotay guul-darradii labaad ee xidhiidh ah ee Blues soo gaadha afar maalmood gudahood, halka Everton ay kaga soo baxday khadka cas oo ay soo gashay kaalinta 17aad ee miiska kala-sarraynta Premier League.

Gool madi ah oo uu qaybtii labaad oo sagaal daqiiqadood socotay ciayarta ku furay xiddiga reer Mali ee Abdoulaye Doucoure ayaa Mali ee Abdoulaye Doucoure iyo mid kale oo uu dhamaadkii saxeexay Lewis Dubbin ayaa Everton siiyey saddex dhibcood oo si weyn niyadda ugu soo celiyey oo ay ay kaga soo baxayaan niyad-jabkii ay ka qaadeen toban dhibcood oo laga jaray  bishii hore.

Ciyaartan oo inteeda badan ay maamulaysay Chelsea ayaa waxa fursadaha ugu badan heshay Blues oo awoodi weyday inay ka faa’iidaysato maamulka kubadda oo ay shabaqa soo taabato.

Jordan Pickford ayaa laf-dhuungashay ku noqday Chelsea oo kubbado halis ahaa ka badbaadiyey Raheem Sterling, Broja, Cole Palmer iyo Enzo Fernandez ka hor intii aan waqtiga nasashada loo bixin, halka fursaddii ugu fiicnayd ee Everton uu qaybta hore sameeyey Harrison.

Markii lagu soo noqday qaybta labaad ee ay sagaal daqiiqadood socotay ayay Everton guusheeda meel-saaratay, markaas oo uu gool-dhalinta furay Doucoure oo dhamaystiray kubbadx uu Sanchez ka badbaadiyey Calvert-Lewin.

Chelsea ayaa samaysay dedaal badan si ay iskaga soo bedaan goolka lagala hormaray, waxaana kubbado dhawr ah dhinaca bidix kala soo galay Mykhailo Mudryk halka Raheem Sterling uu nasiibku ka diiday inuu shabaqa gaadhsiiyo fursado dhawr ahaa.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayay Everton la timid goolka labaad oo si dhab ah ay Chelsea ugu niyad-jabtay, waxaana kubbad koorne ahayd oo uu iska saaray goolhaye Petrovic oo lagu beddelay Sanchez oo dhaawaca ku baxay bannaanka ka helay Dobbin oo isaga oo aan qabannin darbad xooggan oo lugta bidix ah ku liishaamay, kuna hubsaday shabaqa.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Everton ay kasoo baxday khadka cas oo ay ka badbaadayso inay u dhacdo heerka labaad ee ay halista ugu galeen markii tobanka dhibcood laga jaray, waxaanay yeesheen 13 dhibcood, halka Chelsea ay fadhido kaalinta 13aad oo ay ku haysato 19 dhibcood.

Dhinaca kale, Manchester City ayaa dib ugu soo laabatay dariiqa guusha ee ay afartii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka ka maqnaayeen, waxaanay 2-1 kaga adkaadeen Luton Town oo gool kala hormartay.

Bernardo Silva iyo Jack Grealish ayaa dhaliyey goolasha City ee niyadda usoo celiyey City oo afar ciyaarood ku lumisay sagaal dhibcood, waxaanay Citizens ku jirtaa kaalinta afraad ee miiska kala-sarraynta oo ay ku haysato 33 dhibcood, waxaanay laba dhibcood ka dambaysaa Aston Villa oo saddexaad ku jirta.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga