Shantii Ciyaartoy Ee La Degay Chelsea, Xiddigii Garoonka Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Chelsea & Everton

Abdoulaye Doucoure iyo Lewis Dobbin ayaa min hal gool dhaliyey qaybtii dambe kulankii ay Everton 2-0 ku garaacday Chelsea, taas oo kooxda tababare Sean Dyche ka caawisay inay kasoo baxdo khadka cas ee ay gashay markii tobanka dhibcood laga jaray bishii hore.

Goodison Park ayaa la dhax jiid-jiiday Chelsea oo u muuqatay libaax duqoobay oo uu roob ku da’ay, waxaanay ahayd guul-darradii labaad ee xidhiidh ah ee Blues ay la kulanto afar maalmood gudahood iyadoo Arbacadii ay Man United kusoo karbaashtay 2-1.

Chelsea way heshay fursado ay goolal u beddeli karaysay, laakiin waxa laf dhuungashay ku noqday goolhaye Jordan Pickford oo mar kale muujiyey sababta uu u yahay goolhayaha xulka qaranka England.

Shantii ciyaartoy ee la degay Chelsea

Ma jirin ciyaartoy la tilmaamo oo Chelsea ah oo u ciyaaray sidii laga filayay, hase yeeshee way sii kala darnaayeen. Enzo Fernandez oo khadka dhexe ah ayaa maqane jooga garoonka ku ahaa, sidoo kalena Mudryke iyo Braja ayaa waayey xeeladdii uu tababare Mauricio Pochettino u siiyey kalsoonida uu ugu soo bilaabay ciyaarta.

Labada ciyaartoy ee dhaawaca ku baxay ee goolhaye Sanchez iyo kabtan Reece James ayay ahaayeen labada ciyaartoy ee kale ee aadka u liitay, waxaanay dhamaantood kulanka ka heleen qiimayn isku mid ah.

Xiddigii garoonka

Vitaliy Mykolenko oo difaaca bidix uga ciyaarayay Everton oo awood u yeeshay inuu xakameeyo Raheem Sterling iyo Cole Palmer, sidoo kalena ku qasbay Reece James inuu dib u fadhiisto daqiiqadihii koobnaa ee uu ku jiray garoonka ayaa uu telefishanka Sky Sports u doortay xiddigii garoonka, laakiin Premier League ayaa waxa uu xiddignimada siiyey xiddiga dhaliyey goolka koowaad ee Doucoure.

Qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood

Everton: Pickford (7), Young (5), Tarkowski (7), Branthwaite (7), Mykolenko (8), Harrison (6), Gueye (6), Garner (7), McNeil (7), Doucoure (8), Calvert-Lewin (6).

Beddelka Patterson (6), Onana (6), Beto (6), Dobbin (8)

Chelsea: Sanchez (5), James (5), Disasi (6), Badiashile (6), Cucurella (6), Caicedo (6), Fernandez (5), Palmer (6), Gallagher (6), Mudryk (5), Broja (5).

Beddelka: Colwill (6), Sterling (5), Jackson (5), Petrovic (5), Maatsen (6)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga