YAAB: Chelsea Oo Door Ka Qaadatay In Ay Real Madrid Champions league Ka Reebto Man City, Qaab Noocee Ah.

Andriy Lunin ayaa laba rigoore ka badbaadiyay Bernardo Silva iyo Mateo Kovacic, isagoo ka caawiyay Real Madrid inay garaacdo Man City una gudubto semi-finalka Champions League.

Ka hor intii aan la bilaabin rikoodhada Kepa ayaa la arkay isaga oo la hadlaya Goolhaye Lunin isaga oo siinaya xog ku saabsan rikoodhada.

Goolhaye Kepa ayaa horay u wajahay Bernardo Silva rigoorayaal waqtigiisii ​​Chelsea.

Silva ayaa dhexda ka dhaliyay rikoodhada kulankaas kana dhaliyay Kepa waxana uu isku dayay in uu mar kale dhexda ka dhaliyo laakiin Lunin ayaa ka badbaadiyay rikoodhada.

Markii Mateo Kovacic qaatay rikoodhada Daafaca Antonio Rudiger ayaa la arkay isaga oo Goolhayaha Real Madrid u tilmaamaya booska uu Kovacic u laagi doono rikoodhadiisa taas oo keentay in uu Lunin badbaadiyo rikoodhada.

Sidaas darteed xiddigaha Kepa iyo Rodiger oo horay ugu soo ciyaaray chelsea ayaa door ka qaatay in ay Real Madrid reebto kooxda Man City.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga