Xulka England Oo Xaqiijiyay Ciyaartoy Ku Dhaawacmay Dabaaldegii Guushii Mexico l.

Xiriirka Kubadda Cagta England ayaa xaqiijisay Jordan Henderson in uusan caawa dib ugu laaban doonin magaalada Kansas City isagoo la socda xulka England.

Taas badalkeeda, wuxuu sii joogi doonaa magaalada isagoo la soconaya xubin ka tirsan shaqaalaha caafimaadka ee xulka.

Tababaraha England ayaa xaqiijiyay in Henderson uu qabo dhaawac culus oo curcurka gacanta ah, kadib markii muuqaal la baahiyay uu muujiyay isagoo ku dhacay xayndaabka xayeysiisyada xilli ciyaartoyda England ay la dabaaldegayeen taageerayaashooda guushii 3-2 ay ka gaareen Mexico.

Henderson ayaa markii dambe lagu qaaday sariirta gurmadka degdegga ah , waxaana la siiyay neef.

Tuchel ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ciyaaryahanka loo qaaday isbitaal si xaaladdiisa caafimaad loo qiimeeyo.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga