Xogtii Cajiibka Ahayd Ee La Diinwaangeliyey, Xiddigii Garoonka Ee Rikoodhka Sameeyey Iyo Qiimaynta Ciyaartoyda Kulankii Liverpool vs Fulham

Trent Alexander-Arnold ayuu ahaa geesiga Liverpool ee daqiiqaddii 88aad dhaliyey goolka guusha ku hoggaamiyey kooxda tababare Jurgen Klopp kulan ay isku rafteen Fulham oo ay 4-3 kaga adkaadeen ciyaar ka dhacday garoonka Anfield.

Liverpool ayaa laba jeer hoggaanka qabatay qaybtii hore, laakiin waxa ka jawaabtay Fulham oo waliba hoggaanka qabatay iyadoo dhamaadka ciyaarta ay toban daqiiqadood ka hadhsan yihiin.

Laad xor ahaa oo uu goolka ku toogtay Trent Alexander-Arnold ayaa waxa ay kubaddu dhabarka kaga dhacday goolhaye Bernd Leno oo dib ugu celiyey goolkiisa daqiiqaddii 20aad, laakiin waxa ka jawaabay Harry Wilson oo ciyaarta ka dhigay 1-1, ka hor intii aanay min hal gool labada kooxood u kala dhalinin Mac Allister iyo Kenny Tete.

Tobankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ciyaarta ayuu musalsalka weyn bilaabmay, waxaana gool ay Fulham u qaadatay in uu yahay midkii guusha u dhaliyey Fulham Bobby Reid, halse Wataru Endo iyo Alexander-Arnold ayaa dhaliyey laba gool oo laba daqiiqadood oo isku xiga ahaa, iyadoo ciyaartuna ku dhamaatay 4-3 ay guushu ku raacday Liverpool.

Xogtii laga diiwaangeliyey ciyaarta

  • Liverpool waxay guuleysatay dhamaan toddobadii ciyaarood ee ugu horreeyey xilli-ciyaareedkan horyaalka Premier League ee ay ku ciyaarto garoonkeeda, waana markii saddexaad ee taariikhdeeda ay samayso sidan oo kale. Waxa ka horreeyey xilli-ciyaareedyadii 2019-20 iyo 2020-21 oo ay sidan oo kale u badiyeen toddobadii ciyaarood ee ugu horreeyey ee garoonkooda.
  • Waxay ahayd ciyaartii ugu horreysay ee Liverpool ay dhaliso 2 gool ama ka badan, sidoo kalena laga dhaliyo laba gool ama ka badan qaybta hore ciyaar ka tirsan horyaalka Premier League oo waliba ka dhacday garoonka Anfield. Waxa ugu dambaysay in sidan oo kale ay ku dhacdo September 2020 oo ay Leeds United kula ciyaareen Anfield iyo October 2018 oo ay Cardiff City natiijadan oo kale qaybta hore kala heleen.
  • Fulham wax guul ah ma aanay gaadhin toddobadii ciyaarood ee ugu horreeyey Premier League xilli-ciyaareedkan ee ay martida noqdeen, kuwaas oo saddex ka mid ah ay barbarreeyeen afarta kalena laga badiyey.

Xiddigii garoonka

Trent Alexander-Arnold ayaa noqday xiddiga garoonka ee aanay cidina ku wada-hadal ee la isku raacsanaa in uu ahaa ciyaartoygii ugu fiicnaa garoonka. Waxa uu dhaliyey goolka guusha iyo goolka furitaanka inkasta oo goolka koowaad ay kubaddu birta ku dhacday, kaddibna ay goolhayaha dhabarka kaga dahacday ka hor intii aanay dhalanin.

Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood

Liverpool: Kelleher (6), Alexander-Arnold (9), Matip (6), Van Dijk (6), Tsimikas (6), Gravenberch (6), Mac Allister (7), Szoboszlai (6) Salah (6), Nunez (6), Diaz (7).

Beddelka: Gakpo (6), Gomez (6), Konate (6), Endo (7).

Fulham: Leno (7), Tete (7), Bassey (6), Ream (7), Robinson (7); Reed (6), Palhinha (7), Wilson (7), Pereira (6), Iwobi (7), Jimenez (7).

Beddelka: Cairney (7), Willian (6), Reid (7), Castagne (6), Vinicius (n/a).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga