Toban Ciyaartoy Oo Chelsea Kusoo Celiyey Tubta Guusha Ee Ay Ka Leexisay Newcastle Xilli Ay Stamford Bridge Ku Garaaceen Brighton

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa kusoo laabatay jidka guusha ee toddobaadkii hore ay Newcastle xasuuqa iyo bahdilaadda kaga lumisay, waxaanay 3-2 ku karbaasheen Brighton oo marti ugu ahayd Stamford Bridge.

Chelsea ayaa qaybtii horeba xaqiijisatay in ay guuleysanayso markii ay laba gool oo daran-doorri ah ku dhalisay afar daqiiqadood oo kaliya gudahood, halka qaybtii dambena uu mar kale hoggaanka usii dheereeyey Enzo Fernandez oo isku beddelay gool-dhaliye dabiici ah.

Daqiiqaddii 17aad ayaa uu Enzo Fernandez hoggaanka ugu dhiibay Chelsea kubbad uu ka helay Badiashile oo difaaca Brighton ay ka seexdeen in ay goolkooda ka joojiyaan, waxaana ay waqti horeba Blues u dabbaal-degtay goolkeeda furitaanka.

Brighton oo ka naxsan goolka lagala hormaray ayaa afar daqiiqadood kaddib aragtay iyadoo Chelsea u dabbaal-degaysa gool labaad oo uu u saxeexay Levi Colwill oo hadiyad ka helay Jackson oo soo khiyaameeyey Julio oo u muuqanayay in uu hordo.

Ciyaartan oo fursadaheedu badnaayeen, ayaa ay Brighton heshay fursado ay goolal ku dhalin karaysay, balse difaaca dhexe ee Blues iyo goolhaye Sanchez ayaa u ogolaan waayey in si fudud shabaqooda loo gaadho.

Dhamaadka qaybta hore oo ay laba daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayay Brighton kusoo laabatay ciyaarta oo ay dhalisay gool uu u saxeexay Buonanotte oo dhamaystiray kubbad ay kasoo wada shaqeeyeen Adingra iyo Adam Lallana.

Chelsea ayaa noqotay toban ciyaartoy daqiiqaddii 45aad, waxaana casaan lagaga saaray khadka dhexe ee Conor Gallagher oo kaadhkii labaad oo huruud ah qaatay, waxaanay Blues qaybta dambe oo dhan ku ciyaaraysay toban ciyaartoy.

Daqiiqaddii 65aad ayaa Chelsea ay keentay goolka saddexaad oo uu u dhaliyey Enzo Fernandez oo gool u beddelay rikoodhe lagu galay Mykhailo Mudryk, waxaanay sidaas ku xaqiijisatay Blues in ay saddexda dhibcood ee ciyaartan jeebadda ku shubanayso.

Waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta ayay Brighton & Hove Albion keentay goolkeeda labaad oo uu u dhaliyey Joao Pedro oo dhamaystiray kubbad uu ka helay Jungueira de Jesus.

Brighton ayaa rikoodhe dalabta dhamaadkii ciyaarta, hase yeeshee VAR oo laga soo hubiyey ayaa diidday, waxaanay labada kooxood ku kala baxeen natiijo 3-2 ah iyadoo ciyaartan lagu daray 12 daqiiqadood oo dheeraad.

Blues ayaa soo gashay kaalinta 10aad ee horyaalka Premier League, waxaanay yeelatay 19 dhibcood oo ay ka urursatay 14 kulan oo Premier League ah oo ay ciyaartay.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga