Man City Oo Barbarrihii 3aad Ee Xidhiidh Ah Ka Keentay Horyaalka Premier League, Xilli Spurs Ay Wacdaro Muujisay

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa ciyaartii saddexaad oo xidhiidh ah barbarro niyad-jab ah ka gashay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana barbarro waqti dambe ah ku qabatay Tottenham oo ku booqatay garoonka Etihad Stadium, isla markaana soo bandhigtay ciyaar ka yaabisay City oo ay kubadda la qabsatay.

Manchester City oo hore barbarro ula soo gashay Liverpool iyo Chelsea ayaa lix dhibcood lumisay saddex ciyaarood gudahood, taas oo fursad weyn u noqotay Arsenal iyo Liverpool oo si buuxda iskugu ballaadhiyey kaalmaha koowaad iyo labaad.

Tottenham ayaa gool la hormartay daqiiqaddii lixaad ee bilowga ciyaarta, waxaana u dhaliyey Heung-Min Son oo kubbad uu orod kagala soo dheereeyey Jeremy Doku ula tegay goolhaye Ederson oo uu darbad xooggan u weydaariyey shabaqa, sidaasna Spurs ugu dhiibay hoggaanka.

Nasiib-darro ayaa ku dhacday Son saddex daqiiqadood kaddib, waxaana uu isku qabtay kubbad uu doonayay inuu ka difaaco goolkiisa oo uu madax kusoo celiyey Erling Haaland, waxaana ay ciyaartu noqotay 1-1.

Phil Foden ayaa hoggaanka usii dheereeyey kooxda martida loo ahaa ee Manchester City oo bandhiggeedu liitay marka loo eego qaab-ciyaareedyadii hore looga bartay, waxaana uu shabaqa ku leexiyey kubbad uu Alvarez goolka hortiisa ugu dhiibay, taas oo kaliya taabasho uga baahnayd.

Natiijadan ayay labada kooxood ku kala nasteen, iyadoo dhinacyadu iska lumiyeen fursado goolal noqon lahaa, waxaana ciyaartoyga fursadda fiican lumiyey ahaa Doku oo gantaal uu ku toogtay goolka birta ku gariiriyey, kaddibna ay difaacu iska saareen.

Tottenham ayaa kusoo laabatay ciyaarta oo barbarraha keentay daqiiqaddii 69aad oo uu xiddiga khadka dhexe ee reer Argentina ciyaarta ka dhigay 2-2, isagoo kubbad uu badhtamaha garoonka meel ku beegan oo xerada ganaaxa dusheeda ah kaga toogtay goolka uu waardiyaha ka ahaa Ederson, kaas oo faraha ku taabtay balse aan awoodin in uu joojiyo.

Doqonniimo uu sameeyey Bisouma oo bandhig fiican ka samaynayay garoonka, ayaa Manchester City caawisay waqti dambe oo siisay fursad ay gool saddexaad kula timaaddo. Xiddiga reer Mali ayaa isku dayay in uu kubadda u gooyo saddex ciyaartoy oo Man City ah oo hareeraha kasoo galay, iyadoo uu heli karayay in uu baas bixiyo ayaanu goysmo miciinsaday, balse waa laga gujiyey oo laga qaatay kubadda, iyadoo Erling Haaland oo dhinaca midig loogu tuuray uu isaguna usoo dhiibay Jack Grealish oo goolka hortiisa jooga oo si fudud ugu leexiyey goolka.

Goolkan oo dashaqay daqiiqaddii 81aad ayaa la filayay in uu niyad-jab ku keeno ciyaartoyda Tottenha oo saddexdii kulan ee hore ee horyaalka Premier League si xun looga soo badiyey, waxaanay xiddigaha Spurs diideen in ay is-dhiibaan.

Daqiiqaddii 90aad ayuu Kulusevski madax ku qabtay kubbad uu dhinaca bidix kasoo qaaday Brennan Johnson, waxaana uu dhinaca midig ee goolhaye Ederson ka sudhay shabaqa, taas oo keentay in ciyaartu noqoto barbarro 3-3 ah.

Erling Haaland ayaa dood ka keenay qalad lagu galay waqtigii dheeraadka ahaa iyo iyo kubbad uu Jack Grealish kula sii socday goolka Spurs oo uu garsooruhu diiday inuu fasaxo, waxaanay labada kooxood dhibcaha ku qabsadeen natiijo isku mid ah oo ah 3-3.

Natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester City ay si rasmi ah hoos ugu dhacday kaalinta saddexaad oo ay ku haysato 30 dhibcood, waxaanay saddex dhibcood ka dambaysaa Arsenal oo hoggaanka ku haysa 33 dhibcood iyo Liverpool oo kaalinta labaad fadhida oo leh 31 dhibcood.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga