Xidhiidhka FA Oo Ganaax Ku Riday Tababaraha Arsenal Ee Mikel Arteta

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa ganaax kusoo rogay tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta oo ka maqnaan doona ciyaarta horyaalka Premier League ee Aston Villa, kaddib markii uu adkaysan waayey xumadda ciyaartii Kenilworth Road ee Luton Town ay waqtiga dambe guusha kasoo gaadheen.

Gunners ayaa waxay 4-3 kaga adkaatay Luton Town, taas oo goolhaye David Raya uu sameeyey qalad xun oo uu kubad hadiyad ah bixiyey, halka Kai Havertz uu barbarraha keenay ka hor intii aanu Declan Rice daqiiqadii ugu dambaysay waqtiga dheeraadka ah goolka guusha u dhalin Arsenal.

Mikel Arteta ayaa kooxdiisu ay u muuqanaysay inay laba dhibcood luminayso oo ay u ogolaanayso Liverpool iyo Manchester City inay kusoo dhowaadaan, hase yeeshee dhamaadkii ayey baxsadeen oo ay saddexda dhibcood.

Tababaraha reer Spain ayaa kaadh huruud ah qaatay intii ay socotay ciyaartu, waxaana uu ahaa kaadhkiisii shanaad ee horyaalka Premier League ee xilli-ciyaareedkan, taas oo ka dhigan in uu ka maqnaan doono ciyaarta soo socota ee Sabtida ay waajahayaan Aston Villa oo ay waliba ku booqan doonaan Villa Park.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga