Antony Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Halyeeyada Manchester United Ee Canaanta U Jeedinaya

Xiddiga kooxda kubadda cagta Manchester United ee Antony ayaa iska difaacay canaanta kaga imanaysa halyeeyadii kooxdiisa Red Devils, waxaanu ku tilmaamay ‘kuwo aan caddaaladda garanayn oo isku dayaya inay dumiyaan’ ciyaartiisa.

23 jirkan oo ku dhibaatoonaya sidii uu u heli lahaa kalsooni uu kusoo bandhigo qaab-ciyaareedkiisii waqtigii uu joogay Ajax ayaa si aad u liidata ku bilowday xilli-ciyaareedkan socda.

Ciyaartiisa liidata ayaa sababtay in uu eedayn kala kulmo halyeeyadii Manchester United ee Gary Neville, Rio Ferdinand, Paul Scholes iyo Roy Keane oo falanqeeyeyaal ka ah warbaahinta Ingiriiska, laakiin Antony ayaa rumaysan in dhalliilaha loo jeedinayo aanay ahayn kuwo caddaalad ah.

Xiddiga Brazil oo la hadlay warbaahinta ayaa yidhi:”Maanta, waxa aan arkayaa eedayn ka imanaysa ciyaartoydii hore ee kooxda iyo qaar ka mid ah dadka warbaahinta oo si aan macquul ahayn usoo bandhigaya fikradahooda, isla markaana saamaynaya kumannaan taageereyaal ah. Mararka qaarkood waxay i dhalliilaan xataa aniga oo aan ciyaarayn.

“Anigu waligay ma arag iyaga oo iijeedinaya dhalliil wax-dhisaysa igana caawinaya in aan noqdo xirfadle fiican.

“Midkoodna iima soo dirin farriin gaar ah si uu u arko waxa aan dareemayo, gaar ahaan waqtigan aanu ku jirno qaska ee aanu doonayno in aanu ka baxno.”

Antony oo Manchester United ay xagaagii hore kaga soo iibsatay Ajax lacag dhan £85.5 milyan oo Gini ayaa illaa hadda u saftay Red Devils 58 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga