Weeraryahanka xulka Norway, Erling Haaland, ayaa shaaciyay inuu taageerayo England si ay ugu guuleysato Koobka Adduunka 2026, kaddib markii Norway looga reebay tartanka.
Haaland ayaa la hadlay warbaahinta kadib guuldarradii 2-1 ee Norway kala kulantay England kulankii afar-dhammaadka ee lagu ciyaaray magaalada Miami. Waxaa la weydiiyay waxa uu ka qabo saaxiibbadiisa Manchester City ee weli tartanka ku jira.
Wuxuu sheegay inuu jeclaan lahaa in xulka uu hoggaamiyo Thomas Tuchel uu koobka qaado, isagoo xusay in asal ahaan uu xidhiidh la leeyahay England, isla markaana funaanaddii ugu horreysay ee uu carruurnimadiisii xirto ay ahayd tan England ka hor middii Norway.
“Maxaa diidaya? Waxaan England ku leeyahay dhowr saaxiib oo Manchester City ah, sidoo kale France iyo Spain. Dabcan waxaan rabaa in England ay guuleysato. Anigoo yar waxaan xiran jiray funaanadda England ka hor intii aanan helin tan Norway, sidaas darteed waxaan rajeynayaa inay si wanaagsan u ciyaaraan. England waa waddan qurux badan, funaanaddooduna sidoo kale waa mid aan jeclahay,” ayuu yiri Haaland.
Norway ayaa taariikh sameysay markii ugu horreysay ee ay gaarto wareegga afar-dhammaadka Koobka Adduunka, kadib markii ay ka reebtay Brazil wareegga 16-ka. Haaland ayaa door weyn ka qaatay guushaas isagoo dhaliyay 7 gool shantii kulan ee uu ciyaaray tartanka.
Kulankii England, Andreas Schjelderup ayaa Norway hoggaanka u dhiibay, balse Jude Bellingham ayaa dhaliyay laba gool, kuwaas oo England ku hoggaamiyay guul 2-1 ah kadib waqti dheeri, taasoo u dirtay nus-dhamaadka halkaas oo ay la ciyaari doonaan Argentina si ay ugu soo baxaan final-ka.
Be the first to comment