DEG-DEG: Falanqeeyihii Caanka Ahaa Ee Kubadda Cagta Oo Geeriyooday

Falanqeweyihii loogu jeclaa kubadda cagta ee Russell Hargreaves ayaa geeriyooday isaga oo ay da’diisu tahay 45 jir, waxaana murugo ay ku habsatay bahda ciyaaraha ee codkiisii xarraanka iyo xabeebta ka madhnaa ku daawan jiray ciyaaraha.

Hargreaves ayaa geeridiisa la shaaciyey galabta iyadoo loo diyaar-garoobayo kulamada adag ee horyaalka Premier League ee caawa.

Markii ugu dambaysay, Hargreaves ayaa ka shaqayn jiray idaacadda talkSPORT oo uu falanqeeye la jecel yahay ka ahaa, isaga oo idaacaddan ku sugnaa tobankii sannadood ee ugu dambeeyey.

Waxa uu Hargreaves khabiir ku ahaa ciyaaraha kubadda cagta, Golf-ka iyo Rugby-da oo ka sokow inuu ku luuqayn jiray tabintooda uu haddana si fiican u yaqaanay shuruucdooda iyo inta badan ciyaartoyda caanka ah.

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa inta badan lagu yaqaanay Hargreaves oo uu si joogto ah falanqeeye uga ahaa kulamada toddobaad kasta.

Baraha bulshada ayaa waxa si weyn loogaga falceliyey geerida Hargreaves, waxaana sidoo kale ka falceliyey warbaahinta Ingiriiska.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga