Xiddigaha Goolasha Ugu Badan Dhaliyay Sanadka 2024 Oo La Soo Saaray.

Dusan Vlahovic waa gooldhaliyaha ugu sareeya shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub sanadka 2024 ka dib biloowgii wacnaa ee sanadka.

Juventus ayaa si xun u dhibtoonaysay todobaadyadii u dambeeyay laakiin taasi kama joojin Vlahovic inuu si joogto ah shabaqa u soo taabto.

Vlahovic ayaa dhaliyay labo gool Axadii kulankii ay Juventus 3-2 kaga badisay Frosinone, isagoo dhaliyay goolkiisii ​​​​9 gool ee horyaalka sanadka 2024.

Vlahovic ayaa dhaliyay gool 68-daqiiqo kasta sanadka 2024, isagoo soo bandhigay qaab ciyaareedka keenay xiisaha kooxaha sida Arsenal iyo Chelsea.

Ma jiro ciyaaryahan ka ciyaara Serie A, Premier League, La Liga, Bundesliga ama Ligue 1 oo dhaliyay goolal ka badan 2024.

Gooldhaliyaha labaad ee shanta horyaal ee ugu waa wayn Yurub sanadkan waa Bukayo Saka oo u ciyaara kooxda Arsenal kaas oo dhaliyay 7 gool.

Saka ayaa dhaliyay goolashaas kaliya 6 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Arsenal oo u dagaalamaysa inay ku guulaysato Premier League.

Bartilmaameedka hore ee Arsenal, Jonathan David, ayaa ah gooldhaliyaha seddexaad ee ugu goolasha badan shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub isagoo dhaliyay lix gool shan kulan oo horyaalka ah.

Player Club Goals
Dusan Vlahovic Juventus 9
Bukayo Saka Arsenal 7
Jonathan David Lille 6
Rasmus Hojlund Man Utd 6
Niclas Fullkrug Borussia Dortmund 6
Harry Kane Bayern Munich 6

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga